Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo qaabilay Cabdikariim Qalbi-Dhagax

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caasimada Kenya ee Nairobi kula kulmay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo sanadkii 2017-kii loo gacan geliyay dowladda Itoobiya oo muddo baadi goobeysay.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Jabhada ONLF ee uu katirsanaa Qalbi-Dhagax ku tilmaamtay inay tahay argagixiso.

Hore waxaa ku dhiiran waayay la kulanka Qalbi-Dhagax wasiiro, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo oo fadeexad kala kulmay dhiibistii muwaadinkaan Soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha dalkam iyo jabhad xaq ku dirimka ee u dagaalanto sidee Soomaalida Itoobiya xaqkooda u heli lahayeen iyo aayo katalintooda.

Arrintaan ayaa laga yaaba ineey dhabar jabin xoogan ku tahay madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo u taagan madaxweynaha Soomaaliya iyo in ay dareenka dadweynaha markale dib u kaco oo ay soo xasuustaan dhibtii la marsiiyey Cabdikariim Qalbi-Dhagax.

Cabdikariim Qalbi-Dhagax ayaa waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 markii uu xukunka la wareegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.