Xukuumadda oo jaawaab kulul ka bixisay hadal galabta kasoo yeeray musharixiinta mucaaradka

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo warbaahinta la hadlay, kana jawaabayay hadalkii kasoo yeeray golaha midowga musharixiinta ee ahaa in ay bannaan-baxa soo socda ay aminigooda sugan doonaan, ayaa sheegay in aan mudaharaad aysan DF aminigiisa sugeyn uusan ka dhici doonin caasimadda.

Mudaharaan amnigiisa aannan sugeyn, oo dadka qabanaya ay leeyihiin innaga ayaa amniga la wareegeyna ma aqbali karno”, ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiir Xundubeey, wuxuu carabka ku dhuftay in DF aysan kasoo hor jeedin in bannan-bax la qabto, hayeeshee aysan qasab tahay in ay iyadu amaanka ilaaliso.

Golaha midowga musharixiinta oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa dhankooda sheegay in dowladdu ay ka baxday ballantii ay qaaday ee ahayd in ay sugeyso amniga mudahaardka, sidaas owgeedna uu baaqday dibad-baxa.

Guud ahaan waddooyinka gala taallada Daljirka Dahsoon ayaa maanta la xiray, halka guud ahaan xarumihii ay shalay ku dhawaaqeen mucaaradka ee loo qorsheeyay in ay bannaan-baxayaashu socodkoodu kasoo billaabaan la geeyay ciidamo fara badan.

Baaqashada dibad-baxa iyo hadalada kulul ee hawada la isku marsiiyay ayaa yimid kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday kulankii xalay dhex maray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo mucaaradka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email