Weerar ku bilowday qarax oo xalay Saqdhexe lagu weeraray xabsiga Boosaaso

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weerar xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saqdhexe xalay ayaa koox hubeysan xabsiga ku qaadeen dagaal toos ah oo ku bilowday qaraxyo lala beegsaday al-baabka laga galo  xabsiga, waxaana intaasi ka dib dagaal toos ah uu dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Booliska ee qaybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraaid ku qabtay xabsiga wayn ee “Gaalshiraha” ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xabsiga ayna jiraan maxaabiis baxsatay iyo sidoo kalena ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka iyo qaraxyada.

Khasaaraha dhanka ciidanka ayuu ku sheegay in hal askari ka dhintay 2 kalena ay ka dhaawacmeen isaga oo  sheegay in Kooxdii weerarka soo qaaday laga yaabo in ay firxadeen maadaama ay habeen ahayd.

Waxaa uu sheegay wali ay waddaan qiimeynta weerarka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email