Soomaaliya oo shaacisay kiisas hor leh oo ku saabsan cudurka Covid-19

Soo laba kaclaynta fayraska Corona ee Soomaaliya ayaa meel adag maraya, iyadoona laga dayrinayo qalab yari sida mashiinada kaaba neefsashada.

Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 126 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Karoona halka 6 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,199 qof.

Dadka cudurka laga helay ayaa  wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 74 ruux gobolka Banaadir, 41 kamid ah degaannada Soomaliland,  6 Jubbaland  4 Hir-Shabeelle halka Galmudug laga diiwangeliyay 1 qof.

Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 87 ruux waxaa ay yihiin rag halka 39 kale ay yihiin dumar, waxaana cudurka u geeriyooday 24-kii saac ee la soo dhaafay ruux halka 32 ruux  ay ka bogsadeen.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Guud ahaan kiisaska cudurka waxay gaarayaan 7,518 halka dhimashadu ay tahay 249.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email