Midowga musharaxiinta mucaaradka oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay banaanbixii berri

Golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in la baajiyay mudaharaadkii ay hore u iclaamiyeen ee loo ballansanaa inuu berri oo Sabti ah ka dhaco taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Mucaaradka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay hoteel Jaziira ayaa sheegay in dowladdu ka baxday ballantii ay qaaday ee aheyd in ay amaanka mudaharaadka sugto, sidaas daraaddeedna dib loo dhigay dibad-baxa.

Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheriif Sheekh Axmed iyo ku xigeynkiisa Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay sababo la xariira amniga masuuliyiinta iyo dadka shacabka ah in ay u hakiyeen bannaan-baxa.

Mucaaraadku waxa ay taageerayaashooda u sheegeen in aysan ka tanaasulin mudaharaadka oo ay soo sheegi doonaan xilliga ku habboon, waxa ayna carrabka ku dhufteen in ay amnigooda iyaga sugan doonan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba xiray waddooyinka soo gala taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email