Meydka madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi oo laga soo dajiyay Muqdisho

Allaha u naxariistee meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo habeen ka hor ku geeriyooda waddanka Kenya ayaa dhawaan laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madax ka tirsan dowladda, madax hore, odayaasha dhaqanka, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa AUN, meydka madaxweynaha ku sugayay goroonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madax-weynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo madax kale oo ka tirsan musharixiinta madaxweynaha, ayaa ka mid ahaa dadkii ku sugnaa garoonka.

Dad ka tirsan eheladiisa ayaa diyaaradda kusoo qaaday, waxaana meydka oo uu ku duuduban yahay calanka Soomaaliya soo dajiyay ciidamada.

Dadkii ku sugnaa garoonka ayaa salaadda janaasada ku tukaday meydka, waxaana salaadda tujiyay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda federaalka Soomaaliya.