Mareykanka oo Kenya u diray digniin culus oo la xiriirta Al-Shabaab

Hay’adda duulista hawada ee federaalka Mareykanka oo magaceeda loosoo gaabiyo FAA ayaa waxay ka digeysaa in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay bartilmaameedsan karaan diyaaradaha isaga kala gooshaya hawadda Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya.

In kasta oo Al-Shabaab aysan waligood diyaarad ku weerarin hawadda Kenya, haddana Mareykanka ayaa xusay in warbixinnada sirdoonka ay muujinayaan in kooxda ay maleegeyso qorshe noocaas ah.

Digniintan ayaa timid bilo kadib markii Nairobi ay diiday codsi uga yimid Washington oo ahaa in duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab laga bilaabo gudaha waddanka Kenya.

Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu Janaayo, 2021 kala baxay Soomaaliya askartii ka joogtay badankoodna waxaa loo wareejiyay meelo kale oo ka tirsan bariga Afrika, iyadoo wararku tilmaamayaan in qaarkood ay yimaadeen Kenya halka kuwa kalena ay aadeen Jabuuti.

Tallaabadaas ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wallow xustey in ay kama dambeys ahayn.

Al-Shabaab ayaa inta badan bartilmaameed ka dhigatay degmooyinka dhaca waqooyi beri Kenya sida [Wajeer, Mandheera iyo Gaarisa] iyada oo xoogaa duullaanno ah ay kusoo qaaday xeebta Lamu.

Horraantii sanadkan, guddoomiyaha Mandheera Cali Roba ayaa tibaaxay in Al-Shabaab ay maamusho boqolkiiba 50 dhul-gobaleedka, sheegashadaas oo ay naqdisay Nairobi.

Khadadka hawada ee lagu soo qaadey digniinta FAA waxaa kamid ah kuwa isku xiraya Nairobi iyo dalalka bariga fog sidda Dubai [UAE], India, Shiinaha iyo meelaha kale ee ay ka hawlgalaan shirkadaha diyaaradaha waaweyn.

Sidoo kale, waxaa lagu daray khadadka diyaaradaha ismaamulada dhaca bariga Kenya sidda Garissa iyo kuwa sii-gelaya deriskooda Soomaaliya.

Iyadda oo haddii weerar noocaas ay fuliso Al-Shabaab ay noqon doonto markii ugu horeysay taariikhda iyo khatar cusub oo kusoo korortay xasiloonida Soomaaliya, haddana macluumadyadda sirdoonka waxay tusinayaan in hiigsigaas ay kooxdu lahayd waqti fog balse uu xoogeystay sanadihii dambe.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email