Kenya oo ka baxday kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ

Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo qorshaha uu ahaa in maalinta berri ah uu dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda [ICJ], waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in kiiska markii saddexaad dib loo dhigo.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inay u xaglineyso Soomaaliya, islamarkaana aysan diyaar u aheyn inay aqbasho codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Sababtaas darteed, Kenya iyo kooxdeeda sharciga waxaa loo diiday fursad ay ku sameeyaan diyaar garowga lagama maarmaanka ah,” ayuu Kihara Kariuki ku yiri warqaddiisa oo loo gudbiyey diiwaan-geliyaha Maxkamadda, Philippe Gautier.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri.

Waxay sidoo kale Kenya ka hortimid go’aanka maxkamadda ee ah in kiiska loo dhageysto qaab online ah, taasi oo ay sheegtay “Inaysan ku habooneyn kiis sidan oo kale u cakiran.”

Sida uu sheegay Kihara Kariuki, kiiska Kenya ayaa ku dhisan inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna buu yiri laguma fulin karo video.

Doodda kale ee Kenya ay ka keentay kiiska ayaa ah garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.”

Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto ayada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya.

Iyaddoo ay noqoneyso tallaabadaan mid lama filaan ah, sannadkii 2019, kiiska ayaa laba jeer dib loo dhigay waxayna Nairobi ku guuleysatay inay mar saddexaad dib u dhigto bishii Maarso 2020, laakiin maxkamadda ayaa diiday inay mar afaraad dib u dhigto sannadkan, iyadoo ku doodeysa in arrimaha ay Kenya soo gudbisay aysan ahayn “kuwo muhiim ah”.

Wararku waxay hadda tilmaamayaan in Nairobi aysan ka qeyb geli doonin dood afeedka Isniinta, halkaasoo maxkamadda ay darafyadda siisay fursadda siman taas oo u oggolaan laheyd labada dhinacba inay madasha ku soo bandhigaan caddeyn la taaban karo.

ICJ ayaa todobaadkii la soo dhaafay soo saartay jadwal socon doona ilaa Arbacada todobaadka dambe, laakiin bixitaankii ugu dambeeyay ee Kenya waxay noqoneysaa dharbaaxo weyn. Soomaaliya iyo Kenya midkoodna war kama soo saarin talaabooyinkii ugu dambeeyay.

Balse, kormeerayaasha ayaa sheegaya in maxkamadda ay u badan tahay inay sii wadi doonto dhageysiga. In kasta oo jadwalka uu hadda yahay labada dal, haddana dhageysiga ayaa loo gaabin doonaa kooxda Soomaaliya si ay u soo bandhigaan dacwaddooda, taasi waxay ku xirnaan doontaa illaa Kenya ay gaarto go’aan daqiiqadii ugu dambeysa oo ah in ay bedesho mowqifkeeda kana qeybgasho.

Xitaa haddii Kenya aysan ka qaybgalin dhegeysiga dood afeedka, waxay noqoneysaa wax aan horay loo arag, sidda ay aamisan yihiin goobjoogayaashu; sababta oo ah waxaa jira kiis hore una dhaxeeyay Shiinaha iyo Filibiin kaasoo dhageysiga afka ah uu ka dhacay inkastoo labada dhinac midkood uu ka baaqsaday fadhiga.

Marka dhageysiga u qabsoomo Asbuucaan sidii loo qorsheeyay, waxay qaadan doontaa ugu yaraan 4-6 bilood oo kale ka hor inta maxkamaddu aysan go’aanka kama dambaysta ah gaarin. Tani waa sababta oo ah garsoore kastaa uu ugu baahan yahay inuu haysto wakhti uu kaga baaraandego kiiska kuna saleeyo dood iyo caddeyn uu kusoo bandhigo fadhiga loo balansan yahay.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Kenya ay sidoo kale sheegtay in hadda iyo wixii ka dambeeya aysan ka qeyb gali doonin kiiskaas.