Kalluumeysato Kenyaan ah oo ka walaacsan in Kenya looga guuleysto muranka badda

Koox kalluumaysato Kenyan ah ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in Kenya looga guuleysto muranka dhinaca badda ee Kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxa kalluumaysata Lamu ayaa warbaahinta Kenya ee KNA u sheegay inay soo wajihi doonto dhibaato dhaqaale haddii Kenya ku guuldareysto dooda ka taagan biyaha ay Kenya dooneyso in si xoog ah ku qaadato.

Waxa ay tilmaamen inay todobaadka soo socda ay dibad bax ka dhigi doonaan wadankaasi maadama dowladda u diiday inay aadaan maxkamada ICJ.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in ay bilaabato dhegeysiga dacwada badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.