Jubbaland oo war kasoo saartay shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jubbaland ayaa soo jeedisay in la sugo dadaallada uu waddo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku aadan xal u helida khilaafka doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhiirageliyay dadaalada uu wado ra’iisul wasaaraha, waqtina la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay.

Jubbaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii 17-kii September 2020.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email