Dowladda Soomaaliya oo soo rogeysa ganaax ku aadan xirashadda Af-xirka

Dowladda federaaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ganaax la dul dhigi doono dadka jabinaya amarka iyo talooyinka ka soo baxaya dowladda ee looga hor tagayo Coronavirus.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Finish] oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ka hor yimaada amarada iyo talooyinka dowladdu soo jeedisay ee lagu xakameynayo COVID-19 la ganaaxi doono.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda fedrraalku soo rogtay amarro la doonayo in la hirgaliyo si loo xakameeyo Coronavirus-ka faafaya, wuxuuna Cumar Finish sheegay in bulshadu aysan wali si buuxda u dhaqan galin awaamiirta la faray.

Duqa caasimadda waxa uu caddeeyay in laga billaabo 15-ka bishaan Maarso, la soo rogi doono ganaax qabanaya qof kasta oo aan amaradii DF ka soo baxay u hoggaansamin, wuxuuna qof kasta faray inuu xirto face mask.

Guddoomiye Cumar Finsh wuxuu xusay in dowladdu ay xiri doonto duulimaadyada haddii xaaladdu sidaa sii ahaato, wuxuu sii xoojiyay amaradii hore.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email