DF oo ku dhawaaqday in dalku ka jiro “nooc cusub oo COVID-19 ah” xilli tirada dhimashada kasii dareyso

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka COVID-19 ay haatan kor u dhaafeen 300 oo qof, halka guud ahaan kiisaska ay dhan yihiin 8,438 kiis waddanka oo dhan.

Kiisaska cudurka oo mar aad u yaraaday ayaa dib usoo laba kacleeyey dhorwkii toddobaad ee tegay, waxaana hadda ay faro ba’an ku hayaan dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Markii ugu horreysay ayay tilmaamtay wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Fowsiyo Abiikar Nuur in nooca cudurka uu yahay mid cusub gaar ahaan nooc cusub oo cudurka Covid-19 ah uu dalka fara ba’an ku hayo.

Isu gudbinta cudurka aad buu u korreeyaa, weli sheybaar laguma xaqiijinin nooca cudurka ee isbaddalay ama in uu yahay kii hore ama in kale laakiin dhakhaatiirta iyo dadka culuunta ku takhasusay shaki weyn ugama jiro in uu yahay mid cusub oo ka duwan isku gudbiskiisa iyo dhimashada oo aad u badatay.” ayee tiri wasiir Fowsiyo.

Boqolaal kamid ah shacabka kunool caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu soo ridatay cudurka karoonaha oo saameyn weyn ku yeeshay bulshada kunool caasimadda, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday xayiraado.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email