Waan-waan laga dhex waday ra’iisul wasaare Rooble & musharaxiinta mucaaradka oo “guul-dareystay”

Dadaalo loogu kala dab qaadayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo musharaxiinta mucaaradka ayaa guuldareystay, kaddib markii caqabado waa weyn ay ka hor-yimaadeen dadaaladaas.

Sida wararku sheegayaan ergo ay ka mid yihiin Senator Cabdi Qeybdiid, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor iyo xubno kale ayaa dadaal u galay sidii ra’iisul wasaaraha iyo midowga musharaxiinta waan-waan ay uga dhex sameyn lahaayeen, isla markaana labada dhinac u kulmi lahaayeen.

Dadaaladan xubnahan ay wadeen ayaa bilowga hore ahaa inay kulmaan midowga musharaxiinta mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Rooble, hase ahaatee ay dhanka nusharaxiinta ay shuruud hor-dhigeen, kaasoo ah in xukuumadda xilka sii heysa ay raalli gelin ka bixiso wixii dhacay 19-kii Febraayo.

Sidoo kale shuruuda dhanka xukuumadda wadatay ayaa ahaa in xaalada la qaboojiyo oo musharaxiinta baajiyaan bannaan-baxa ay ku baaqeen jimcaha.

Hase ahaatee waxaa arrinta ay ka adkaatay dhinaca madaxtooyada Soomaaliya oo diiday dalabka musharaxiinta, waxaana ay kusoo dhamaatay in xukuumadda ay shalay ku dhawaaqday in la joojiyay bannaan-baxa ay musharaxiinta ku dhawaaqeen inuu dhacayo maalinta jimcaha 26-ka Febraayo.

Ilo ku dhow dhow shirarka labada dhinac loogu kala dab qaadayay ayaa sheegaya in dhanka ra’iisul wasaaraha ay wax kasoo dhowaadeen, balse culeyska uu ka yimid dhanka Villa Soomaaliya.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa inay isku bedesho rabshado iyo gacan ka hadal, marka loo eego wixii dhacay 19-kii Febraayo, labada dhinac ayaa wada abaabulo dhinacyo kala duwan leh oo ay ku jirto mid ciidan.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu warsidaha Xorriya Online helay ayaa sheegaya in uu jiray isfaham la gaaray maanta gelinkii dambe, waxaana waxyaabaha la iskaga soo dhawaaday ka mid ahaa.

1- In Ra’iisul wasaare Rooble iyo musharixiinta ay wada qadeeyaan maalinta beri ah si wada hadalo u dhexmaraan labada dhinac.

2- In garawshiyo laga bixiyo wixii dhacay 19-kii February, ayna dhanka dowladda ku metelaan ama ku hadlaan madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle.

3- Waxaa kale oo maanta la isla gaaray in banaanbaxa la isla eego.

Waxaase xilli dambe oo maanta ah yimid isbedel aan rasmi ahaan la ogeyn halka uu salka ku haayo. Kadib markii midowga musharaxiinta mucaaradka ay ku adkeysteen in ay qabanayaan isu-soo-baxa ay iclaamiyeen Jimcaha todobaadkaan isla markaana aysan dheg-jalaq u siin doonin go’aanka kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo iska soo horjeeda.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email