Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo goor dhaw ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariisteen Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaaska ayaa goor dhaw oo fiidnimadii caawa ah ku geeriyooday Hoteel Mubaarak uu ka degganaa magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelada Ugaaska.
 
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin in Ugaaska uu u geeriyooday cudurkan safka marka ah ee Covid 19 iyo in kale, hase ahaatee waxaa socda baaritaan arintaa ku saabsan.

Ugaaska ayaa la caleemo saaray 25 July 2016kii kaddib markii uu geeriyooday walaalkiisa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Wixii war ah ee ka soo kordha geerida Ugaaska waan idin soo gudbin doonnaa..

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email