Ciidanka dowladda oo weeraray hotel-ka ay dagan yihiin Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda inay weerar ku soo qaadeen Hotel-ka isaga iyo Shiikh Shariif degan yihiin ee Maa’ida 2 oo ku dhow agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon.

Xasan Sheekh ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu daadinayo dhiigga muwaadiniin isu diyaarinaya bannaan baxa nabadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan, iyadoo dhinacyada dagaalamayay isku hor fadhiyaan inta u dhaxeysa Taalada Daljirka Dahsoon iyo Isgoyska Jubba.

Xaalada ayaa caawa kacsan, iyadoo laga cabsi in xiisada ay sii xoogeysato, isla markaana dhinacyada dagaalamaya ay helaan gurmad.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email