Booliiska Turkiga oo qabtay ruux looga shakiyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab

Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xiray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni.

Ruuxa la qabtay, oo la ogaaday in uu ka howl-gali jiray Kenya, ayaa lagu qabtay howl-gal ay iska kaashadeen booliiska Turkiga iyo hayadda sirdoonka dalkaas (MIT).

Balse, warbixinta oo laga soo xigtey illo wareedyo magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in ay saxaafadda u waramaan ayaan lagu caddeyn magaca shaqsiga la qabtey.

Sidda ku cad warbixinta, howlgalka suurtageliyey in gacanta lagu soo dhigo shaqsigaas waxaa loo jaray waaran si meesha uga baxdo sheegasho sharci darro ah.

Faahfaahinada horudhaca ah ayaa tilmaamaya in shaqsigaas uu haysto dhalashadda Jarmalka iyo Talyaaniga isla marlaana magaciisa waxaa lagu soo koobay A.B.

Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta gudaha Soomaaliya balse waxay xilliyadda qaar ay falal liddi ku ah nabad-gelyadda ay ka fulisaa gudaha waddanka Kenya.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda sanadihii lasoo dhaafay sarre-u-qaadey joogitaankooda Soomaaliya waxaana dowladda federaalka ah ay ka taageeraan dhismaha ciidanka iyo dabar-goynta maleyshiyada argagixisadda.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email