Puntland oo heshiis dhex dhigtay beello ku dagaalamay gobolka Bari

Guddi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Hawlaha guud Axmed Bashiir Muse, wasiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Kulmiye, wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha Taaraan iyo wasiir wasaaradda dakadaha Dhedo oo arinkaan ku howlanaa ayaa Qodobadan soo saaray.

1- In nabadda si dhamays tiran u dhaqan galiyan labadi belood ee dirirtu dhexmartay.

2- In Maleeshiyad beledyadi so gurmaday dhamantod ay ku noqdaan deegaanadoodi iyo guryahoodi .

3- In magaalooyinka, Ceelasha, Dooxooyinka, dhulka daaqsinka iyo wadooyinkaba si nabdgalyo ah loogu wada noolaado.

4- in Dooxadi Shaqaaqadu ka bilabatay aysan tagi Karin dibna ugu noqan karin labadii beelood gacanta Puntland ay ku jirayso ila amar dambe.

5- In uu noqan doono shirka lagusoo afjarayo colaadan inta u udhaxaysa 01/02/2021-10/02/2021, maamulka Puntland uu dib kasoo shegayo malinta shirkasi furmi doono iyo goobta lagu qabanayo.

6- Cidi dhaqan galin wayda go’aamada maamulka oo hareer marta hishiisyadii nabadda waxaa laga qadayaa talaabo ku haboon.

Qaar kamida isimada labada beelood ayaa soo dhaweeyay qodobada & dadaalka maamulka Puntland shaqaaqadan ku xalinayso.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email