Madaxweyne Qoorqoor oo safar dhulka ah ku tagay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah kaga soo amba qaaday magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaalkan kusoo maray magaalooyinka kala ah Godinlabe iyo Mareergur halkaas oo uu si kooban kula kulmay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Godinlabe iyo Mareergur.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyntii galabta soo gaaray caasimadda Galmudug ee Dhusamareb oo muddo kooban kaga maqnaa arrimo shaqo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug, maamulka magaaladda Dhusamareb iyo masuuliyiin kale.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email