Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Xuddur kusii jeeda

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kusii jeeda magaalada Xuddur oo ah magaalo go’doon ku jirtaa, afarta jihana ay ka fadhiyaan ururka Al-Shabaab.

Toddobaadkan ayey dadka ku dhaqan sameeyeen Bannaan-bax weyn oo ay kaga soo horjeedaan maamulka KG iyo kan dowladda dhexe, waxay ku Gar-naqsadeen in aan la tixgalin dadka ku nool magaaladan, waxay yiraahdeen “Madaxweyne Farmaajo in uu diyaarado ciidan ah ku daldalo magaalooyinka Gedo iyo Baladweyne oo ah dhul nabdoon, cadawna uusan joogin, inagana aan muddo saddex sano kabadan hareereesanahay oo afarta jiho ay cadaw naga joogaan ilaahay xaqiis ma ahan.”

Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka xuddur ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore dowladda kala hadlay sidii magaalooyin badan oo gobolka Bakool kamid ah looga qeyb qaadan lahaa sidii xayiraadaa kooxda Al-Shabaab looga gacan siin lahaa.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email