
Ra’isulwasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa wada hadal dhanka taleefanka la yeeshay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden oo dhamaadkii toddobaadkii tagay la wareegay shaqada xafiiska.
Boris ayaa sheegay in ay horay usii wadi doonaan oo ay adkeyn doonaan xiriirka iyo isbaheysiga soo jireynka ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Waa wadahalkii ugu horeeyay oo ay yeesheen labada hogaamiye tan markii la dhaariyay arbacadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay oo bogaadiyay go’aanka uu madaxweyne Biden Mareykanka dib ugu celinayo heshiiska cimilada ee Paris iyo ha’yada caafimaadka aduunka WHO taas oo Donald Trump uu ka saaray Mareykanka.
Ugu dambeyn, labada hogaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimada iyo faa’iidada ganacsiga xorta ah uu leeyahay.
XORRIYA ONLINE