Jeneraal u dhashay Itoobiya oo la wareegay Taliye xigeynka AMISOM

Meejor Jeneraal Gerbi Regassa Kebede ayaa billaabey kulamo uu la qaadanayay Maalmihii lasoo dhaafay Taliyeyaasha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Jeneraalkaan oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, ayaa la wareegay xilka taliye ku xigeenka AMISOM xili Ciidamada Midowga Afrika ay wajahayaan fashil dhaka la dagaalanka Al-Shabaab.

Wuxuu bedelay Meejor Jeneraal George Owinow oo u dhashay Kenya, kaasoo dhameytay mudo-xileedkiisa, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska AMISOM Shalay oo Jimco ahayd.

Jeneraalka Itoobiyaanka ah ayaa kulamo la yeeshay markii uu xilka la wareegay taliyeyaasha Ciidanka ka socda Uganda, oo uga warbixiyay xaaladda dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo caqabadaha horyaalla in howlgalkooda noqdo mid miro-dhal ah.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee Ciidanka usoo diray Soomaaliya 2007, waxaana kusoo biiray oo hadda AMISOM ka kooban tahay Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Meejor Jeneraal Regassa Kebede ayaa ugu baaqey dalalkan inay xoojiyaan wadashaqeyntooda si loo wiiqo awoodda Kooxda Al-Shabaab, oo khatar wayn ku ah amniga dalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email