Howlgal ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo oo dad lagu soo qabtay

Dhowr qof oo la tuhmaya inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa lagu qabtay Howlgal Ciidanka Puntland ka sameeyeen qeybta Waqooyi ee Gaalkacyo.

Lama sheegin tirada dadka la qabtay iyo magacyadooda, balse Saraakiisha booliska waxay shaaciyeen inay hayaan tobanaan dhalinyaro oo su’aallo lagu waydiinayo Xabsiga, si loo kala saaro argagaxisadda iyo kuwa aan dembiga lahayn.

Gaalkacyo oo kala qeybsiga Puntland iyo Galmudug waxay ahayd meel dagaallo ay ka dhacaan, waxaa ugu darsoomey qaraxyadda Al-Shabaab oo lagu dilay Mas’uulyiin sare oo uu kamid ahaa Gudoomihii Mudug iyo taliyeyaal Ciidamada Dowladda Federaalka kamid ahaa.

Bishii December Qarax Is-miidaamin ahaa oo ka dhacay afaafka Garoonka Kubadda Cagta ee Koonfurta magaaladda ku yaalla ayaa waxaa lagu dilay 6 Sarkaal oo hogaaminayay Ciidanka qeybta 21-aad ee gobollada Dhexe.

Al-Shabaab oo dagaalka Koonfur ka socda looga adkaadey ayaa u wareegatay Galmudug iyo Puntland, oo ay kusoo qulqulayaan dagaalyahanadeeda, oo dhanka badda ka galaya.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email