HirShabeelle: Cabsi amni-darro oo ka jirta Raaga-Ceelle

Wararka ka imaanayaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan deegaanka Raaga-ceelle ay soo food saaratay cabsi laga qabo in Kooxda Al-Shabab ay soo galaan magaalada.

Tuulooyin ku yaalla baadiyaha Raaga-ceelle ayaa laga soo wariyay in Kooxda Al-Shaabaab ay halkaa ka wadaan dhaqdhaq xoogan sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku baxay deegaanada ay joogaan Kooxda Al-Shabaab.

Inta badan tuulooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa si joogto ah loogu arkaa ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Warciise, Doondheere iyo Shamiindo oo ah tuulooyin hoos taga Jowhar ayaa sidoo kale laga sheegayaa in Kooxda Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Maamulka Cali Guudlaawe hoggaamiyo oo Hiiran diidan-yahay ayaa tan iyo markii la doortay waxba ka qaban Aminiga marba marka kasii dambeysa sii xumaanaya ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaas ayay dowladdu intooda badan ku tilmaantay maleeshiyaad qabiil, waxa ayna siyaasadeysay dhiiwaan galintii askarta ee sanadki hore soo gabagabowday, taas oo sababtay ciidamao xoogan oo gobolkaas ku sugan gadoodaan.

Dhowr Xildhibaaanno oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa Muqidisho iyo Jowhar sanadkii hore, waxaana si aad looga deyrinayaa amniga guud ahaan ee gobolkaas.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email