Fahfaahin: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Ugu yaraan hal askari oo katirsanaa Ciidanka Puntland ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa xalay ka dhacay waqooyiga magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta Mudug.

Goobjooge ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa bam gacmeed lagu tuurey gaadiid ay wateen Ciidamo roondo ku jiray oo marayay nawaaxiga Iskuulka Cumar Samatar, oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka ee hoos-taga maamulka Puntland.

Qaraxa kadib, Ciidanka ayaa rasaas afarta jiho u ridday, iyadoo wadada ay u xirnayd muddo daqiiqado ah, illaa dhaawacyada iyo askar dhintay goobta laga qaadayay, sida uu kusoo waramaya goobjoogaha.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, balse wuxuu imaanayaa xilli dhawaan Kooxda Al-Shabaab ku baaqdey in la dilo guddoomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) kadib markii uu sheegay in masaajidda aysan wax qiimo ugu fadhin, uuna xirayo.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email