Dagaal culus oo xalay ilaa iyo saakay ka socda degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo

Abaar 1:40 habeenimo ayaa dagaal ka bilowday gudaha magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo gaar ahaan agagaarka Saldhiga Degmada halkaas oo uu ku dhintay Taliye kuxigeenkii Saldhiga waxayna ciidamadda wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay fuuleen Dabaqa Hormuud.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Janan ay gaareyn Maqaaxida Caanka ah ee nadar ee xigta dhinaca kastanka ilaa xaafada dhabad oo u dhow laanta Socdaalka.

Ciidamadaan weerarka kusoo qaaday Beledxaawo ayaa markii hore hoobiyaal kusoo garaaday inta aysan gudaha usoo galin, ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ee kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale waxaa maamulka dowladda Soomaaliya ee Beledxaawo ayaa markii uu dagaalka xoogeystay soo saaray Ciidamaddii keydka haramcad iyo Gorgor ee ku sugnaa Melkahaariyey.

Dagaalka ayaa saakay dib uga bilowday Degmada Baladxaawo oo ay xalay saq dhexe soo weerareen ciidan uu hogaaminayo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Dagaal ugu culus ayaa hadda ka socda Xerada UK oo ay degan yihiin Ciidanka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliyeed iyo dhinaca Buurta.

Sidoo kale qaar ka mid ah ciidankii xalay magaalada gudaha usoo galay ayaa lasoo sheegayaa in ay ku go’doonsan yihiin Daqaba shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ay xalay xoog ku fuuleen.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada Beledxawo wararkeena dambe ayaan idin kugu soo gudbin doona insha allah.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email