Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Raagga-Ceelle

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya & AMISOM ayaa dib ula wareegay degmada Raaga-Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saakay Waberigii ay la wareegeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadka degmada ayaa waxaa ay ku warameen in Al-Shabaab oo muddo saacado ah gacanta ku haayay degmada Raaga-ceelle, isla markaana degmada ay soo galeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMIOSM oo ku sugnaa duleedka degmadaas.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan inay dib u bilaawdeen howlaha Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka oo muddo hakad ku jiray, kadib markii dadka ay dareemeen cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Raaga-Ceelle ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan, iyada oo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uusan weli ka hadlin xaaladaha kasoo cusboonaaday degmada Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email