Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Buulo-Burde

Wararka ka imaanaya magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii koox ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab xalay saqdii dhaxe ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula-Burde.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimaso iyo dhaawac.

Hal askari  oo ka tirsan tirsan Ciidanka Militirga ayaa dagaalka ku dhintay, Sida ay sheegeen Saraakiishii Xoogga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay Dhame Axmed Faarax Booniye oo ah abaanduulihii ciidamada dowladda ee la weeraray.

Sidoo kale saraakiisha xoogga ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalka kaga yimid Al-Shabaab isla markaasna ay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerarka ku dileen.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyagoona sheegay in ay saacado kooban ay magaalada la wareegeen, sida ay ku daabaceen warbaahintooda.

Ururka Al-Shabaab ayaa Saacadahii ugu dambeeyay dhaqdhaqaayo xooggan ka waday qeybo badan kamid Gobolka Hiiraan, waxaana lagu arkay deegaano cusub.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email