AUN guddoomiyihii degmada Hodan oo maanta lagu aasay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun oo lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha Degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Allaha u Naxriistee Marxuum Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii Firdowso ka waraabiyo.

Waxa ay sidoo kale sheegayn in gacanta lagu haayo kooxihii ka dambeeyay dilkiisa, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono.

XORRIYA ONLINE

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email