XOG: Jadwalkii doorashada aqalka sare oo dib dhac ku yimid

Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 1-da December 2020 waxaa lagu waday in dowlad goboleedyada ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ku caddaa jadwadlkii doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sida muuqata qorshihii doorashada iyo jadwalkii la soo saaray 1-dii bishii October ayaa fashil ku imaanaya, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay Guddiyadii doorashada ee hirgelin lahaa qorshaha doorashada.

Doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa loo qorsheeyay inay dhacdo 1- December illaa 10 bisha December 2020, sida qorshuhu ahaa, balse hal tallaab oo aan loo qaadin dhaqan gelinta heshiiska iyo jadwalkii doorashada ayaa sabab u noqday inuu dib u dhacyo badan ku yimaado jadwalkii doorasho ee lagu heshiiyay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa illaa iyo hadda soo magacaabin Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, kuwaasoo mas’uul ka ahaa doorashooyinka labada aqal, waxaana is mari-waaga ka taagan yahay doorashada uu u muuqata inuu gebi ahaanba meesha ka baxo jadwalkii doorasho ee lagu heshiiyay.

Maxaa sabab u ah dib u dhaca Doorashada Aqalka Sare & dhaqangal la’aanta Jadwalka?

Arrimo dhowr ah oo is biirsaday ayaa sabab u ah dhaqangal la’aanta ama fulin la’aanta Jadwalka Doorashada oo hage u ah Xaaladda Geedi socodka (Kala guurka) oo ah in la dhameystiro waqti xileedka Dowladda, isla markaana la guda galo muddo xileed 4-sano oo kale.

1-Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka & DG Jubbaland kaas oo salka ku haya muranka ka dhashay Askarta DFS ay geysay Gobolka Gedo, Axmed Madoobe oo kamid ah saxiixayaasha heshiiska iyo Jadwalka Doorashada ayaa markii uu dib ugu laabtay Kismaayo dalbaday in askarta laga qaado Gobolka Gedo.

2-Muranka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ay kasoo gudbiyeen Guddiga Doorashada ee Dowlad Goboleedyad soo gudbiyay, kadib markii ay sheegeen in ay ka magac garteen xubno katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.

3-Xukuumadda Soomaaliya oo howshaan ugu weyn mas’uuliyaddeeda dusha ka saaran tahay ayaa indha ka daawatay, marka laga reebo hadal aan ficil ku darsaneen oo uu dhowr Kulamo ka sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo luuqad jilcan ku dalbaday soo dhameystirka Guddiga Doorashada.

4-Beesha Caalamka qudheeda oo indhaha la raacday hadallada is duraya ee Dowladda Federaalka & musharixiinta, midba mar ayay la kulmeen wakiilada Beesha Caalamka, warsaxaafadeedkoodu waxa ay kusoo saareen in muhiim ay tahay hirgelinta doorasho waqtigeeda ku dhacda.

5-Muranka cidda maamuleysa Doorashada Xildhibaannada labada Gole BFS ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), waxaana isku haya Guddoomiyaha Aqalka sare oo isu heysta Odayga looga dambeeyo go’aanka Guddigaas & XFS gaar ahaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isu heysta in uu yahay Ninka ay ka go’do tallada Guddigaas.

Haddaba, Yaa dusha saaranaya mas’uuliyadda dib udhaca doorashada & dhaqangelin la’aanta Jadwalka loo dejiyay?

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email