Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku baxaya xalka caqabadda Safarka Guudlaawe

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si uu qayb uga qaato xalinta caqabadda hortaagan safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ee Magaaladaas.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa hortaagan Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer General Xuud, kadib markii uu sheegay in uusan ku qancin doorashada Madaxweyne ee Hir-Shabeelle oo uu damac ka lahaa.

Todobaadkii tagay labo jeer ayuu Cali Guudlaawe uu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii maleeshiyo daacad u ah General Xuud ay degeen meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku biiraya kulamada xalka loogu raadinayo hirgelinta Safarka Madaxweynaha Maamulkaas.

Dhismaha Hir-Shabeelle ayaa la dhameystiray 11-kii November 2020 kadib markii la doortay Madaxweynaha & ku xigeenkiisa, waxaana isbadal uu ku yimid 4-sano kadib hab qaybsiga beelaha hoggaanka maamulkaas.

Haddaba, suuragal ma tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle uu ku guuleysto xal ka gaarista caqabadda hortaagan safarka Cali Guudlaawe ee Baladweyne?

Xorriya Online