Shacabka magaalada Cabudwaaq oo dhigay bananbax lagu taageerayo ciidamada xasilinta deegankaas

Bartamaha Magaalada Cabudwaaq ayaa waxaa maanta lagu arkayay Shacabka Magaalada oo biyaha muwasaxada iyo agab kale u qaybinaya Ciidamada Xasilinta Cabudwaaq.

Xalimo Farax Jamac oo ka mid ah Haweenkii Bananbaxa iyo taakulada Ciidamada Xasilinta ka qayb qadanayay ayaa sidan tiri.

Ka hor Ciidamada Xasilinta Magaalada way kala xirnayd wax dhaqdhaqaaq ahna ma jirin waan u mahadcelinaya Ciidanka iyo guud ahan Maamulka Galmudug ee iska Xil saray Amniga Cabudwaaq“.

Howlgalka Ciidamada Xasilinta ay ka wadan Magaalada Cabudwaaq ayaa waxa u galay Maalintiisi sadexaad waxana laga sameyay Hormar dhanka Amniga ah

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigen Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa manta Wasaarada Maaliyada Galmudug ku amray in ay Mudo usbuc Gudaheed ah ku dayactirto Xabsiga Dagmada Cabudwaaq oo laga dhiga to xarunti hore ee Mashruca ee Dagmada Cabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa sido kale manta booqday Xarunta Maxkamada Dagmada Cabudwaaq Waxaan Madaxweynaha u balan qaday in u dib u Habayn ku sameyn doona Maxkamada Dagmada Cabudwaaq

Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka waxa uu maalinta bari ah xariga ka jaraya Saldhiga labaad ee Booliska Dagmada Cabudwaaq.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email