SAWIRRO: Banaanbaxyo rabshado wata oo ka bilaawday Beledweyne

Qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Beledweyn ee ayaa bilaabay inay xaafadaha qaar ee Magaalada ka dhigaan dibadbax ay uga soo horjeedaan maamulka Hir-Shabeelle & in uu Cali Guudlaawe tago Magaalada Bledweyne.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka horeeyay dagaal dehx-maray Ciidamada Dowladda & Maleeshiyaadka Janeraal Xuud oo taaageero ka helaya dhalinyaro iska dhex-abaabulay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa ay dhaxgaan iyo taayaro ku xireen wadoyika laamiga ah ee Xaafadaha Nuur-Xawaad Horseed iyo Xaafado kale, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Dagaalka iyo banaanbaxa ka socda Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Beledweyne uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo halkaasi u tegay xalinta xiisada Beledweyne.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email