Kenya oo ‘Qoomamo ka muujisay’ tallaabada Soomaaliya ay kusoo erisay safiirkeedii

Dowladda Kenya ayaa qoomamo ka muujisay tallaabada Somaaliya ay ugu yeertay safiirkeeda Nairobi isla markaana safiirkeeda Soomaaliya lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dowladda Kenya waxay qoomamo qoto dheer ka muujineysaa tallaabada nasiib darrada ah ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo ka codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo in uu dib ugu laabto dalka si uu wadatashiyo usoo sameeyo, tallaabadan waxaa lasoo sheegay inay ku saleysan tahay eedeymo aan la xaqiijin oo ku saabsanFaragelinta sii socota ee lagu hayo arrimaha gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in aysan wax war ah oo ku saabsan arrintani aysan weli ka helin dhinaca Soomaaliya.

Xorriya Online