Dagaal saakay ka qarxay gudaha magaalada Beledweyne iyo sababta dagaalka saakay

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu saakay aroortii ka bilaawday xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiraan.

Xaafadaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Xaawo taako, Buundada koowaad iyo kontoroolka laga soo galo magaalada Beladweyne.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jabhad uu hoggaaminayo Gen Xuud ayaa la wareegay xaafado ka tirsan Magaalada, kuwaasi oo diidan in madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe uu gaaro Magaalada Beladweyne.

Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa weli xaafadaha magaalada ka socda dagaal u dhaxeeyo ciidanka dowlada iyo jabhadaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Beladweyne waxaana guul dareestay dedaalo socday saacadihii la soo dhaafay oo ahaa in Jabhadda lagala soo hadlo soo dagistiisa.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email