Cilad ku timid diyaarad kusii jeeday Beledweyne oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle

Diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle ayaa cilad ku qabsatay hawada magaalada Beledweyne, taasoo keentay inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ka baxday garoonka magaalada Jowhar ayaa la sheegay in iyadoo u dhow Garoonka Beledweyne uu fariistay mid ka mida labadii matoor ee ay ku duuleysay, taasoo keenay inay xaalad adag soo food saarto, kadibna uu duuliyaha go’aansado inuu diyaaradda dib ugu celiyo magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo iyadoo hal Matoor ku duuleysa si nabad ah uga degtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Xildhibaanno fara badan oo ka caaray Jowhar kuna siijeeday Magaalada Baladwayne.

Safarkoodii halista galay ayaa ugu dambeyn waxay ka degeen magaalada Muqdisho, halkii ay doonayeen inay tagaan magaalada Beledweyne.

Xorriya Online