Caro xoogan oo ka dhalatay go’aankii Siciid Deni iyo banaan-baxyo ka bilowday Puntland

Kadib go’aankii xalay ka soo baxay madaxweynaha Puntland, Mduane Siciid Cabdullahi Maxamed Deni ee ahaa in canshuuraha deegaanada maamulkaasi lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah ayaa waxaa arrintaasi ka dhalatay caro dadweyne iyo banaan-baxyo maanta ka billowday deegaanada Puntland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa kusoo beegantay xilli Puntland laga cabanayo sicir bararkii ugu xooganaa abid, iyadoo albaabada loo laabay inta badan suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka waaweyn Puntland.

Banaanbaxa maanta ka socda Gaalkacyo, ayaa ah mid xoogan, iyadoo dadku caro weyn ka muujinayaan hadalka madaxweyne Deni ee ah diidmada lacagaha shilinka Soomaaliya in lagu qaado canshuuraha.

Dibadbaxaayasha ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka, iyagoo  taayaro iyo dhagaxaan ku jaray wadada laamiga weyn ee bartamaha Gaalkacyo.

Inkastoo madaxweyne Deni uu sheegay in go’aanka uu qaatay uu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo sicir bararka hadana, wuxuu dhinaca kale niyad xumo kusii abuuray shacabka la daalaa dhacayay sicir bararka.

Si kastaba go’aanka xalay kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboledka Puntland ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da December ka dhaqan-galay maamulkaasi.

Ugu dambeyn, xeel-dheerayaasha dhanka dhaqaalaha ayaa rumeysan in go’aankan uu uga sii dari karo xiisada dhaqaale ee ka taagan Puntland.

Xorriya Online