Yaa u guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Ivory Coast

Guddiga doorashadda dalka Ivory Coast ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha dalka dalkaas Al-Assan Wattaara uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday ayadoo ay mucaaradku diidan yihiin.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu helay 94% codadka la tiriyay taasoo ka dhigaysa inuu xafiiska sii joogo doono.

Gudoomiyaha guddida doorashada Ivory Coast Kuubirti Koolibalay Ibrahim ayaa sheegay in codadka ay tiriyeen uu inta ugu badan helay Madaxweyne Al-Assan Watatara oo markii sadexaad Madaxweyne dalkaas ka noqday.

Mucaaradku horey ayay u diideen doorashadda haddana waxay sidoo kale diideen inay aqbalaan natiijadda soo baxday.

Cabsida ugu badan ee dadka dalkaasi ay qabaan hadda waa in rabashado dhacaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email