Xisbiga Wadajir oo noqday xisbigii ugu horeeye ee ka hadlay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya

Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay oo qoraal kasoo saaray dib u dhaca ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya ay heshiiska ku gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xisbiga isha ku haayo habsi u socdka fulinta heshiiskii Doorashada 2021, isla markaana ay walaac xoogan ka muujinayaan in weli aan tallaab loo qaadin fulinta heshiiskaas.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageeray mowqifka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan soo magacaabida Guddiga Doorashada Xildhibaanada Somaliland ee Baarlamaanka Somalia.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email