Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta ansixiyey sharci muhiim ah

Waxaa maanta soo xirmay kulankii 3-aad, kalfadhiga 8-aad ee xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen oo ay shir guddoominayeen guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Muudey.

Xildhibaanada ayaa maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed, kaas oo ay u codeeyeen 143 xildhibaan oo kulanka maanta soo xaadirtay.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa kulankoodii maanta akhrinta labaad ku marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka (Immigratin Bill).

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email