Xildhibaan Mahad Salaad oo jawaab yaab iyo amakaag leh ka bixiyay qoraalkii Ra’isul Wasaare ku xigeynka Mahdi Guuleed Khadar

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag oo dad qaar ay la yeebeyn uga jawaabay qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Mahad Salaad ayaa qoraalkii uu Mahdi Guuleed kusoo xariiqay Facebook-giisa isna bartiisa u gaar ah kaga falceliyay isagoona yiri “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado”.

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray “Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin”.

Si kastaba qoraaladaan ayaa leesku dhaafsaday baraha bulshada ay ku xiriirto gaar ahaan Facebook, walow Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar uu si maldahan ula hadlay murashixiintii diidmada culus ka keenay gudiyaddii doorasho ee uu Ra’iisul wasaare Rooble magacaabay, halka Xildhibaan Mahad Salaad uu si shaqsi ah u weeraray Ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email