Weerar gataallo ah oo lagu qaaday safaarada Mareykanka ee Baqdaad

War laga soo saaray safaarada Mareykanka ee dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in seddax gantaal ay ku dhaceen afafka hore ee safaarada Mareykanka oo ku taalla magaalada Baqdaad.

War-saxaafadedkan ka soo baxay safaalada laguma xusin hadii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas.

Saraakiisha ciidanka Ciraaq ayaa sheegay in gantaalahaas ay si toos ah ugu dhaceen degaanada qadka cagaaran ee magaalada Baqdaad.

Koox lagu magacaabo Asxaabul Kahfi oo ka dagaalanta qeybo ka mid ah dalkaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas gantaalaha ah ee lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad.

Waxaa la maqlayay digniino ay bixinayso safaarada Mareykanka ee dalkaas, kuwaas oo sheegaya suurta galnimada weerarro toos ah oo ay soo qaado kooxdu, waxayna fariimahaasi toos ugu socdeen xarumaha kale ee safaaradaha ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email