Weerar Bam loo adeegsaday oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in caawa weerar Bam lagu qaaday xarun ay ciidamada amniga ku leeyihiin xaafadda Horseed.

Qaraxa Bamka ayaa laga maqlay caasimadda Hirshabeelle, waxaana ku dhaawacmay laba askari, iyadoo ay baxsadeen dadkii ka dambeeyay weerarka, waxayna ciidamada xireen xaafadda uu qaraxa ka dhacay iyadoo baaritaan bilaabay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay iyadoo amniga magaalada Jowhar si weyn loo adkeeyay, dhowaana ay doorasho ka dhacday magaalada, iyadoo ciidamadii maamulka lagu xoojiyey ciidamo ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay halkaasi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email