Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo jawaab kulul siiyay Feysal Cali Waraabe

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa jawaab kulul u diray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Soomaaliland, Eng Feysal Cali Waraabe.

Eng Feysal Cali Waraabe ayaa kulan Beeleed ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya waxaa uu ka sheegay in ay qasab tahay in ay saami weyn ku yeeshaan awood qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed, isla marakaana ay kasoo dhex muuqdaan sida beelaha kale.

“75 Xildhibaan bay nu leenahay, waa in aan ka muuqanno awood qaybsiga Soomaaliya, madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha dad baa qaata in nala mid ah oo 4.5 innala ah, waa in aan doorkan xoojinno taas ayuu yiri ” Feysal Cali Waraabe.

Hayeeshee waxaa hadalkaas ka jawaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cismaan Dubbe, waxaana uu sheegay in dhaqan ahaan in beelaha shiraan ay tahay wax wanaagsan, balse ay ka dhex muuqdeen rag muddo 30 sano ah hortaagnaa midnimada Soomaaliya.

Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka’ dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la’ fahmi karo in dhaqan ahaan Beeuhu u shiraan, qaybaha kala duwan ee bulshaduna mar walba way shiraan, wayna la shaqeeyaan dowladooda. Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano, ee weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey, ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa waxaa uu ugu baaqay Xubnaha ka qeyb galay Shirkaas inay soo dhawaadaan oo dhinacooda ka raadiyaan midnimada Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email