Wasiirka warfaafinta oo si adag ugu jawaabay eedeynta mucaaradka ee guddiga doorashada

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga jawaabay eedeyn maalmihii ugu danbeeyay dowladda uga imaneysa xubnaha mucaaradka ah gaar ahaan musharixiinta doorashada 2020-2021-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay tahay dowladda in lagu ixtiraamo sida uu hadalka u dhigay mas’uuliyadeeda “Dadku xilka markay hayaan waxay jecelyihiin in lagu ixtiraamo laakiin marka aaney hayn buuqoodu mayara” ayuu yiri.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay aad u badneyd sida uu hadalka u dhigay eedeyta loo jeedinayo dowladda ee la xiriirta Guddiyada doorashada, isaga oo tusaale u soo qaatay in dalka uu soo maray xil Oday dhaqameedka uu kaligii soo xuli jiray xildhibaanka ka mid noqonaya Golaha Shacabka.

”Waxaa wax lala yaabo ah in hadda laga qeylinayo hannaanka doorashada loo maamulayo, waxaan xasuusta sanadkii 2012-kii waqtigii Shariif Sheekh Axmed in odayaal ay dowladdu gacanteeda kusoo qortay la dhihi jiray xildhibaanka adiga soo qoro, maantana xildhibaanka waxaa soo dooranaya 101 xubnood oo Ergada beesha kursiga iska leh ka kooban, yaa laaluushi kara”’ ayuu yiri Wasiirka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email