Wasiirka Shaqada & shaqaalaha Soomaliya oo qarax lala eegtay

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Somaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa la xaqiijay in lala eegtay qarax waxyar ka hor ka dhacay Muqdisho.

Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay Isgoyska KM4 lala beegsaday Wasiirka Cusub ee Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Somaaliya.

Qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu qaraxa dhaliyey, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladda Wasiirka iyo ilaalada la socotay.

Balse qarax oo goordhaw dhacay dartiis weli faahfaahin dhameystiran lagama haayo iyadoona wixii kusoo kordha aan dib idinkaga soo sheegi doono.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email