Wasiirka Amniga ee dalka Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho kulan gaar ahna la yeeshay Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Amniga ee dalka Itoobiya Gedu Andargachew horeyna u ahaa wasiirka Arrimaha dibada xukuumadda Addis Ababa ayaa shalay soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa kulan gaar ah layeeshay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay uga wada hadleen arrimaha labada dhinac ka dhaxeeya iyo Mawqifka Soomaaliya ee dagaalka Itoobiya gaar ahaan gulufka ka dhanka ah Tigreey.

Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya ayaa xalay sheegay in Madaxweyne Farmaajo cadeeyey taageerada ay u hayaan howlgalka soo celinta sharciga iyo kala dambeynta Itoobiya.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor khal-khal ku wajahan Siyaasadda Muqdisho iyo Addis Ababa uu dhacay kadib qoraal lagu baahiyey Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya awgeed.

Qoraalkaas ayaa ugu baaqayay in arinka Itoobiya wadahal lagu xaliyo walow markii dambe Wasaaradda ka noqotay qoraalkaas, taasoo ugu ugu dambeyn soo dedejisay in xilkii laga qaado Wasiirkii Arimaha Dibada Amp. Axmed Ciise Cawad.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email