Wasiir Fiqi: Lama ilaawi doonin xasuuqii TPLF ka geysteen Muqdisho 14 sano ka hor

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay qabashada Magaalada Maqale Ee Caasimada Tigreega.

Fiqi ayaa sheegay in wax walbo ay tahay TPLF aan la ilaawi doonin xasuuqii ay ka geysteen Muqdisho 14 sano ka ho, waxa uu yidhi:

28-kii December 2006 iyo 28-kii November 2020 Geeska Afrika waxaa ka dhacay dhacdooyin isu eg kalana duwan, tan hore waa maalintii MUQDISHO ay ciidamadii Itoobiya ee Tigreegu horboodayay ay qabsadeen.. tan dambe waa shalay oo caasimadii Tigreega Maqale lagala wareegey kooxda TPLF.”

14 sano oo hal bil dhiman ka dib, madaxdii waagaas dawladda Ethiopia iyo ciidamadeeda hogaaminayey maantay waa firxad xaalad cidla ciirsi la’aan ah ku sugan, in badan oo ka mid ahna waarankoodii soo qabashada waa la gooyey.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email