Wasiir Cawad oo diiday xilkii safiirnimo ee uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay

Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya oo goor dhoweyd xilka laga qaaday Axmed Ciise Cawad ayaa diiday inuu qabto wax xil ah, kadib markii loo magacaabay jagada Safiir.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn xil uu hadda qabto mid safiirnimo iyo xal kaleba, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna”.

Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa..” ayaa kamid ahayd qoraalka Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo u muuqda inuu eersaday qoraal ay dowladda Itoobiya ka carootay.

Ambasador Axmed Ciise Cawad ayaa bishii Novembar 2018 loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha dibadda, isagoo xilligaasi ahaa Safiirka Soomaaliya ee magaalada Washington, wuxuuna xilka kala wareegay wasiirkii ka horeeyay Yuusuf Garaad oo isna si lama filaan ahayd xilka looga qaaday.

Wasiir Cawad ma wuxuu galabsaday Waqraddii Qalalaasaha Itoobiya?

Xil ka qaadista lagu sameeyay Cawad ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay bayaan ay uga hadleysay walaaca ay ka qabto xaaladda Itoobiya, laakiin markii dambe uu Wasiir Cawad bartiisa Twitter-ka ku sheegay in warbixintaasi aysan rasmi ahayn.

Go’aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

Xorriya Online