Wasiir Beyle oo shaaciyey cadadka lacag dalka Faransiisku ka cafiyey Soomaaliya

Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag dhan $306 Million, sida uu sheegay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka ayaa yiri “Tani waa tilaabo kale oo Soomaaliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta go’aan qaadashada“.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiiskaan deyn cafinta ah, isaga oo la saxiixday safiirka dowladda France ee dalka Kenya Aline Ménager.

Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan $306 Million (Seddax boqol iyo lix milyan oo doolar), heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020, guushaan taariikhiga ah ee aan maanta gaarnay waxaa ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waana ay naga go’antahay in aan sii wadno Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya”. ayuu yiri Wasiir Beyle.