Wararkii ugu Dambeeyey ee qarax iyo Rasaas laga maqlay magaalada Muqdisho

Isgoyska Fagax, ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dahcay Qarax kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.


Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xili ay socdaal ku marayeen halka loo yaqaano Masaajidka Turkiga ee ku yaalla meel ku dhow Isgoyska Fagax ee Muqdisho.


Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMSIOM iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka ay fureen Rasaas xoogan oo laga ridayay qoriga loo yaqaano dhashiikaha iyo dabajeexa.


Warar hordhac ah oo laga helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay baaritaano ka wada Ciidanka dowladda Federaalka.


Qaraxa Saaka ayaa waxa uu kusoo aadaya xili shalay uun Qarax ka dhacay Maqaayad ku taalla ag agaarka Dugsida tababarka Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar-Jajab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email